Dagaalada maantay iyo shalay ka dhacay Caasimada Magaalada Muqdisho waxay sababeen in ay ku dhintaan dad badan oo shacab ah kuna dhaawacmaan inta dhamatay in laba laabkeed ah.
Africa
Goobaha Caafimaadka Magaalada Muqdisho oo la ciir ciiraya dhaawacyo aad u fara badan oo la gaarsiiyey.
Dagaalada maantay iyo shalay ka dhacay Caasimada Magaalada Muqdisho waxay sababeen in ay ku dhintaan dad badan oo shacab ah kuna dhaawacmaan inta dhamatay in laba laabkeed ah.
Xarakada Al-shabaab oo sheegay dagaaladii maanta Muqdisho ka dhacay in ay ku gubeen hal Taangi.
Kadib shir jaraa’id uu maanta Caasimada Magaalada Muqdisho ku qabtay Afhayeenka Xarakada Al-shabaab Sheekh Cali Maxa’uud Raage (Sheekh Cali dheere).
Warbixino dheeraad oo ku saabsan dagaal culus oo ka holcaya Muqdisho iyo ciidamada AMISOM oo si toos ah uga qeyb qaadanaya.
Dagaallo culus iyo duqeymo xooggan ayaa ka socda degaanno ka mid ah magaalada Muqdisho, gaar ahaan degaannada Waqooyiga Muqdisho oo dagaallo lagu hoobtay ay ku dhex mareen ciidamada dowladda KMG oo garab ka helaya kuwa AMISOM oo dagaalka si toos ah ugu biiray iyo xoogaga ka soo horjeeda.
Shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya oo ka furmaya dalka Kenya iyo Calaamatu Su’aal saaran ka soo Qeyb galka Albashiir.
Madaxda dowladaha IGAD ayaa lagu wadaa in dhawaan ay shir ku yeeshaan magaalada Nayroobi ee dalka Kenya, kaasoo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya iyo arrimo kale oo horyaala urur Gobolleedka IGAD.
Kooxo hubaysan oo aan heebtooda la aqoon oo goor dhow Magaalada Muqdisho ku toogtay Sarkaal sare oo ka tirsan ururka xizbul Islaam.
Wararka naga soo gaaraya Caasimada Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya sarkaal sare oo ka tirsanaa Saraakiisha Ururka Xizbul islaam kooxo hubaysan ku toogteen Caasimada Magaalada Muqdisho.
Wiil Soomaali ah oo iska soo tuuray dabaq Xaafada Islii iyo Muran ka dhax taagnaa Hooyada dhashay wiilkaasi iyo Xaas uu qabay.
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Neyroobi ee Dalka Kenya ayaa sheegaya in uu muran xoogan ka dhex oogan yahay Hooyo dhashay wiil Soomaali ah oo iska soo tuuray dabaq kadibna geeriyooday iyo Xaas uu qabay Wiilkaasi.
In ka Badan 200 oo Qof oo ku dhintay Dagaalo dhexmaray Muslimiinta & Kirishtaanka Nigeria.
Tiro kabadan 200 oo qof ayaa ku dhimatay iska hor’imaadyo Shalay dhexmaray Xoolaley Muslimiina iyo Kooxo Kirishtaana oo daga meel ku dhaw Magaalada Joos ee Bartamaha Nigeria sida ay sheegeen goobjoogayaal.
Sh Shariif oo ay booqasho Rasmiya uga bilaabatay Ingiriiska
Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha DKMG ayaa Maanta booqasho rasmiya oo qaadan doonto dhowr Maalmood kaga bilaabatay Dalka Ingiriiska, waxayna noqoneysaa booqashadii ugu horeysay ee uu halkaa ku tago tan iyo intii uu Madaxda u noqday Dowlada.
DKMG ah & Maraykanka oo isku Diyaarinaya in dib u qabsadaan Konfuurta Soomaaliya
DKMG ah ayaa Shaaca ka qaaday inay Diyaarisay Ciidamadii iyo Awoodii ay Dib ugu qabsan lahayd Koonfurta Soomaaliya, isla markaana ay Maalmo Gudaheed kula wareegayso, xili Dowlada Maraykanka ay Sheegtay inay iyaduna Diyaarado iyo Ciidamo gaar ahi uga qeyb qaadanayso sidii ay DKMG ah dib ugu qabsan lahayd Caasimadda.
Ciidamada Midowga Yurub oo toogasho ku dilay 9 burcad badeed Soomaali ah
Wararka laga helayo xeebaha Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidamada midowga Yurub ee hawlgalka ka wada xeebaha Soomaaliya iyo biyaha kulaala ay dileen 9 nin oo ka mid ah kooxaha shuftada Soomaalida.
Markii Xeer begtidda Beesha Ciise Ay Ku dhawaaqeen In soomaaliya Mid uun ay tahay ayaa Waxa afka furtay DKG oo sheegtay in aysan jirin Ciid Aqonsan karta Somaliland
Munaasibadii Qarniga oo Lagu Caleemo-saaray Ugaaskii 19aad ee Beesha Ciise Hadalkii uu ka jeediyey Gudomiyaha xeer begtidda Beesha Ciise kaas oo buuq badan dhaliyey. Kaas oo ahaa Soomaali waa Soomaali, mid ayuun baanay ahaan jirtay, Somaliland-tu waxa Alle dhaafiyay Dabkii Koonfur lagu tuuray, laakiin Soomaali waa mid uun.Taas oo websiteyadda far kutiriska ah ee ku hadla afka samaroonka ay ka qeyliyeen.
Guuxa Dayuurado aan la aqoon cida iskaleh oo laga dareemayo Hawada Hobyo
Wararka naga soo gaaraya Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in Shalay Xalay ilaa Saaka siweyn deegaankaasi loogaga dareemay Guuxa diyaarado lagu qiyaasay nooca dagaalka oo dul heehaabaya Degmadaasi.
Golaha melateriga ee Afgambiyey xukuumadii Niger oo magacaabay xukuumad
Hogaanka Ciidanka Military-ga ee Afgambiyay Xukuumada Dalka Niger ayaa magacaabay xukuumad cusub oo ka kooban 20 wasiir ay kujiraan shan haween ah iyo shan sarkaal.
Washington: Ra’isal wasaarihii hore ee dowladdii Maxamed Siyaad Barre oo lagu wado in bari la soo taago Maxkamad.
Maxamed Cali Samatar oo ahaa Ra’isal Wasarihii hore ee Soomaaliya xilligii dowladdii Maxamed Siayaad Barre ayaa lagu wadaa in berri oo Arbaco ah maxkamad lagu soo taago Dalka Mareykanka.
Aadan Garaaso “Itoobiya iska daaye Yahuud ayaan u adeegsanaynaa dagaalo noo qorsheysan in aan ku qaadno.
Aadan Garaaso oo ku biiray suufiyada Ahlusunna Waljameeca ayaa sheegay in ay duulaan ku qaadi doonaan maalmaha soo socda deegaanada Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud oo ay ku sugan yihiin xoogaga Xarakada Al-shabaab iyo Xizbul Islaam.
Ciidamada NATO oo dajiyay doontii ugu weyneyd ee kooxaha burcad-badeeda
Ciidamada NATO ayaa saacado ka hor ku dajiyay (quusiyay) badda Somaliya doontii ugu weyneyd ee ay adeegsan jireen kooxaha burcad-badeeda Somalida ee ugaarsada maraakiibta shisheeye.
Soomaali waa Soomaali, mid ayuun baanay ahaan jirtay, Somaliland-tu waxa Alle dhaafiyay Dabkii Koonfur lagu tuuray, laakiin Soomaali waa mid uun.
Munaasibad si wayn loo soo agaasimay oo lagu caleemo-saaray Ugaaska 19aad ee Beesha Ciise, ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Saylac ee gobolka Salel.
Somaliya oo Shirgudoominaysa kulanka wasiirada arimaha dibada J/Carabta
Waxaa manta xarunta dalka Masar ee Qahira ka furmay kulan loogu sii googol xaarayo shir ay maalinita arbacada wasiirada arimaha dibada Jaamacada carabta u furmi doono oo ay shir gudoomin doonto dowlada Soomaaliya.
Mohamud Dirir oo soo gaaray Saylac Saaka iyo wafuud ka socota Dawladda Djibouti oo ay ku jiraan Wasiiro heerqaraan ah
Ugaaska Beelaha Ciise oo Lagu Caleema Saarayo Maanta Magaalada Saylac
Sida la wada ogsoonyahay mudo badan ayay ka socotoy qabanqaabada soo dhowaynta iyo caleema saarka ugaaska beelaha Ciise, Ugaas Mustafe Maxamed Ibraahim, laguna caleema saarayo maanta oo isniinta madasha saylac ee xarunta gobolka Salal ee Beesha Ciise.
Page 1 of 12
Africa




Wasiirka Dalxiiska iyo iskaashiga Caalamiga 
Hooyo Soomaaliyeed oo Shegatey In Ay Tahay Qaxooti Lacaag la'aan..
As fascinating and challenging the world of journalism is..
Nulla tincidunt tincidunt